• Wasaarada Deegaanka, Midowga Yurub, Adeso iyo CARE oo kormeer ku tagay deegaano katirsan gobollada Sool, Nugaal Iyo Mudug, lana kulmay Madaxweyne kuxigeenka Puntland

    20 th May 2016

    Mid term review team from the EU and team from Adeso, CARE and the Ministry of Environment during the field visit to some of NRM intervention sites Mudug 18 May,2016

    Wafti uu hogaaminayey wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, madax ka socotay midowga Yurub iyo hay’adaha bahwadaagta la ah sida CARE iyo Adeso, Mudug 18 May,2016

    Wafti balaaran oo uu hogaaminayey Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Mudane, Faarax Cali Cabdi oo ay kamid ahaayeen madax ka socotay midowga Yurub iyo hay’adaha bahwadaagta la ah wasaarada kalana shaqeeya arimaha deegaanka sida CARE iyo ADESO ayaa socdaal qiimeyn ah ku tagay degmooyin ka tirsan gobolada Sool, Nugaal Iyo Mudug kuwaas oo ay soo indha-indhaynayeen xaalada deegaanadaas.

    Waftigaan balaaran ayaa booqashadoodii  ka bilaabay degmada Boocame ee gobolka Sool halkaas oo ay ugu horayn kula kulmeen maamulka degmada Boocame, shaqaalaha wasaarada ee gobolkaas iyo dadweynaha magaalada iyagoo soo arkay mashaariicdii laga fuliyey degmadaas oo ay kamid tahay xafiis wayn oo wasaarada Deegaanku ka dhisatay degmada Boocaame waxayna sidoo kale soo boqdeen mashruuc wayn oo lagu joojinayey boholaha oo hay’adda ADESO ay ka fulisay dooxada Waydalo, waftigu sidoo kale waxay booqdeen deegaano katirsan gobolka Nugaal iyo degmada Xarfo ee gobolka Mudug oo mashaariic dhanka dyayactirka dhuldaaqsimeedka  iyo hakinta biyaha  roobka oo laga sameeyey deegaanka Mindhiciraan oo katirsan degmada Xarfo ee gobolka Mudug.

    Soil and water conservation sturture in NRM intervention site in Mudug 18 May,2016

    Waxqabadkii ku aadanaa hakinta cara-guurka iyo biyaha ee gobolka Mudug oo ay booqdeen waftiga, 18 May,2016

    Mudada ay booqashada kujireen waftigu waxay la kulmayeen dadwaynaha deegaanadaas iyo gudiyada ka shaqeeya arimaha deegaanka kuwaas oo siwayn usoo dhaweeyey shaqooyinka isku dhafka ah ee ay wasaarada deegaanka iyo Hay’adaha la shaqeeya ka fuliyeen deegaanadaas kuwaas oo isugu jira Biyo-xireeno, biyo weecinno, hakinta biyaha, ka hortaga xaalufka, daryeelida  deegaanka, ka hortaga carro-guurka boholaha  keena iyo sii fididada Boholaha, loo xakamayn lahaa  bacaad-celin, wacyigelin  iyo waxqabadyo kale oo aad u badan waxayna dadweynaha deegaanadaas la booqday sheegeen inay codsanayaan in mashaariicdaas lasii wado ayna diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan dhinacyadaas si loo yareeyo dhibaatada deegaanka ku fool leh.

    Waftiga ayaa ku qancay dhamaan shaqooyinkii laga qabtay deegaanadaas oo si xoogleh isbedel muuqda uga sameeyey deegaanadii ay booqdeen waxayna intaas kadib booqasho ugu tageen madaxweyne kuxigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey oo ay uga warbixiyeen socdaalkooda, madaxweyne kuxigeenka dawlada Puntland ayaa siwayn usoo dhaweeyeen socdaalka qiimaynta ah ee ay waftigu sameeyeen wuxuuna sheegey in dawlada Puntland iyo dadkeeduba ay maqsuud ka yihiin mashaariicda hormarinta deegaanka ah oo ay hogaaminayso wasaarada deegaanka wuxuuna sheegey in loo baahanyahay in lasii laba jibaaro howlaha deegaanka  laga wado islamarkaasna ay dawladiisu taageero dhanwalba ah ka gaysanayso sidii ay mashaariicdaasi usii socon lahaayeen.

    Author: Abdikani Hayir

  • Author: Muna Ali